Farmaajo oo xalay qadka talefanka kula hadlay Xaaf kuna cataabay iyo Xaaf oo ku digtay! 

Reading Time: 2 minutes

Farmaajo oo in mudo ah qadka teleefanka ku raadinayay Madaxweyne Axmad Ducaale Xaaf ayaa xalay ay u suuragashay in uu la hadlo.  Teleefanka oo isku xirkiisu ay ka danbeeyeen odyaal qurbo joog ah ayaa Xaaf  mudo ah  diidanaa in uu la hadlo Farmaajo., laakiin Xaaf ayaa xalay ugu danbeeyntii ogolaaday, isaga  oo xushmaynaya odoyaashaas  in uu taleefanka ka qaado Farmaajo.

Farmaajo oo ay ka muuqato cabsi iyo wal-wal dheeraad ah, ayaa u sheegay Xaaf in uu qaatay qaladaadkii horau u dhacay isaga uu mas’uul ka yahay sida xumayd ee loola dhaqmay isaga iyo dowladiisa. Farmaajo ayaa sidoo kale eeda dusha ka saaray Xasan Kheyre oo uu ku eedeyay in uu ka danbeeyay dhibatada ka dhacday Dhuusamareeb.

.. Xaaf waxaan kuugu ogaa in aad tahay nin oday ah oo wax kala gooyo, ee waxaad igala shaqeeysaa sidii adiga iyo Al Sunna oo wadajira aad xalka Galmudug iila raadin lahaydeen, aniga waxaan diyaar u ahay in aad si kastaa oo aan ku qancin karo Al Sunna aan ku qanciyo, waxaana aan  balan qaadayaa in aan adiga kaaga danbeeynayo”ayuu yiri Farmaajo oo ay ka muuqato ismiskiinin.

Sida ay MOL u xaqiijiyen dad la joogay Xaaf markii u qadka u soo galay Farmaajo ayaa sheegay in Xaaf si xoog leh uu ula hadlay Farmaajo una sheegay in uu isagu cabay suntii uu u qooshay reer Galmudug sidaas darteedna ayan jirin wax laga wada hadli karo xiligaan.

Xaaf ayaa yiri “ Kaabo soo dhawoow, anigu dagaalna waan aqanaa nabadna waan aqaanaa, laakiin doqon aan labada aqoon baan tahay, …. iska joog bilaha kuu haray, Galmudug-na waa ay jiri doontaa , waana ay kaa haraysaa,… lakiin marnaba ha iga sugin in aan aniga iyo Al Sunna wada xaajood la galno dowladaada, gaar ahaan howl uu hormuud ka yahay willkaas waalan ee madaxa dheere ee adiga  ku lumiyay umada Soomaaliyeedna bohasha ku riday, Kheyre”.

Xaaf ayaana ka diiday Farmaajo in uu dhexdhexaadiyo  isaga iyo Al Sunna isagoo iska fogeeyay qorsho kastaa oo Farmaajo lagula heshiinaayo.

Farmaayo ayaa si tuugmo ah uga sheegay in uu isaga shaqsiyan uu uga danbeeyn doono  (Xaaf) howlaha maamul sameeynta Galmudug, Xasan Kheyre uu faraha kala baxaayo. Walaalow wixii dhacay waa naga dhaceeyn ee arintaan adiga hogaanka u qabo  anagana aan adiga kaaga danbeeyo. Ayuu yiri Farmaajo.

Markii uu Farmaajo taleefanka ka dhigay Madaxweyne Xaaf ayuu u sheegay ragii la joogay in Farmaajo  uusan wax  rajo lahaynin oo uu yahay waxa qalbi caruureed ah oo ayan talo ka go’in.  Xaaf ayaa sheegay in ayan marnaba wada xaajood la furi doonin Farmaajo, gaar ahaan Kheyre.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!