Farmaajo oo weli faragelin qaawan ku haya Guddiyada Doorashada Gobolada Waqooyi

Reading Time: < 1 minute

Warar lagu kalsoonyahay sheegaya  in hawlihii Guddiga kala saarista iyo xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashooyinka laga soo gudbiyey, gaar ahaan kuwii Somaliland uu soo dhexgalay  Farmaajo taas oo caqabad hor leh ku noqon karta doorashooyinka dalka.

Madaxwaynaha muddo xileedkiis dhammaaday Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa dib ugu soo celinaya xubno hore looga saaray oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gudiga Somaliland oo ah Shaqaalle Dawladda ka tirsan.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu  la wareegay  Wasiiraddii ay quseysay iyo beelahoodii kala dooday Seddaxda Kiis ee Gudiga Warbaahinta ka sheegay in cabasho ka taagan tahay ayna ahayd in ay go’aan ka gaaraan RW, Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed Khadar.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka codsaday Guddiga in ay u soo  gudbiyaan 7-da xubnood ee ay sheegeen in ay Guddiga Somaliland ka saareen, seddaxda Kiis ee cabashadu ka taagan tahay ayaa  Guddigu diiday oo aan ilaa hada waxba loo keenin.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa ku baaqay  in la fuliyo la raaco Heshiiska doorasho ee lagu saxiixay Muqdisho , si loogu guulaysto dhamaynta khilaafka soo  noq noqday ee ka taagan doorashada Somaliland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!