Farmaajo oo Wakiil Gaar ah u magacaabay ina adeerkiis, dacwada Badda kala xaajoonayo Kenya

Reading Time: 2 minutes

Iyada oo mudo ka yar sadax cesho  ka soo wareegatay markii Farmaajo heshiis qarsoodiga ah  ah la galay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta  ayaa maalintii Axada ee bisha Nofeenbar ku beegnayd 17ka waxa uu Madaxweeyne Farmaajo soo saaray Dekareeto uu ku magacaabayo Balal Maxamed Cusmaan oo ay ilma adeer la ah Farmaajo in uu noqdo wakiilka gaarka ah ee Dalka Soomaaliya ee u qaabilsan Arimaha Geeska Africa, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dekareetadaan oo laga qariyay  xubnihii ula safray Farmaajo dalka Kenya iyo guud ahaan Golaha Wasiirada ayaa waxa lagu qoray luuqada afka  Ingriiska si loola wadaago wadamada iyo Hay;’adaha  danaha gaarka kala leh dalka Soomaaliya ee uu Farmaajo la galay heshiiska  qarsoodiga ah.

Sida MOL loo xaqiijiyay dowlada Kenya iyo Soomaaliya ayaa magacaabi doonta gudiyo labada dhinac ka socda kuwaas oo si dadban uga wada hadli doonaan arimaha dacwada badda.

Balal Maxamed Cusmaan ayaa la filayaa in uu dhankiisa dhawaan magacaawdo afar xubnood oo kala shaqayn doonta arimaha  Badda. Urur Goboleedka IGAD ayaa horay u magacaawday Safiir  Maxamed Cali Guyo in uu noqdo wakiilka gaarka gaarka ah ee Badda Cas, Geeska Africa iyo gacanka Cadmeed ee dalka Kenya.

Safiir  Maxamed Cali Guyo oo ah muwaadin Kenyaan ah ayaa kala shaqeeyn doono Balal Maxamed Cusmaan maareynta arimaha la xiriira  muranka dacwada  Madda ee ka dhaxeeya labada dal. Madaama Farmaajo magacaabay Balal Maxamed Cusmaan intii uu ku sugnaa dalka Kenya  (dekareetada waxa ay soo baxday sadax cesho ka dib) ayaa warar hoose oo ay heshay MOL sheegayaa in talada Magacaabista Gudiga labada dhinac ay ka timid Madaxweyne  dalka Kenya ee Uhuru Kenyatta.

Halkaan ka akhriso Dakereetada lagu magacaabay Balal Maxamed Cusmaan:

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!