MW Farmaajo ayaa maanta waxa uu u diray wafdi ciidanka gadoodsan ee ka soo baxay goobihii dagaalka oo ay ku jireen. Wafdigaan oo uu hogaaminayeen Wasiirada Warfaafinta Iyo Amniga ayaa ah kuwa soo jeeda beesha Abgaal oo kali ah.
Markii ay tageen duleedka magaalada Balcad oo ay ciidanka ku sugnaayeen ayaa waxa la weydiiyay in ay la socdaan dadka ay talada ka go’aday, taas oo ay ula jeedeen taliyaha ciidanka ama Wasiiraada ay quseyso howlada Ciidanka. Ciidanka oo rumeysan in ay yihiin Ciidan qaran waxaana ay sugayeen in ay la kulmaan wafdiga ka socday dowlada ee ma sugaynin in la soo diro xubno ka soo jeedo hal beel.
Wasiir Ducaale oo isku dayay in uu qanciyo ayaa yiri “adiga oo ah waalaalkeen oo isku beel ka soo jeedno ayaa la i soo wakiishay, anaga ayaana ay si qaasa non taabaneysaa shibia idin haysto”
Taliyayaashi ay la kulmeen ayaa marka hore diiday in ay la fariistaan wafdiga waxaana lagu qaabilay si istaag ah oo ayan ku jirin qadarin. markii danbe ayaase ay ku qanceen in ay wada hayal la furaan wafidiga
Maanta markii MW Farmaajo uu codsaday in wafdi la diro ayaa mas’uuliyiintii ay quseysay kala dhuunteen, taliyaha ciidanka waa uu diiday in uu tago ciidanka gadoodsan isaga oo sheegay in ayan macro sameynaynin in loo tago ciidanka iyada oo aan waxba laga qaban dhibka ay sheeganayaan. Dhank kale waxa iyaga ka cudur daartay tagaitaanka goobta ciidanka joogaan Wasiirad Gaashaandhiga.
Markii in mudo ah la is hortaagnaa ayaa wafdiga soo jeediyeen dhowr qodob oo ay doonayeen in ay ku qanciyaan ciidanka gadoodsan.
1- Wafdiga ayaa sheegay in ay Wakiil buuxa ka yihiin Madaxweyne Farmaajo oo uu isgu soo diray oo uusan soo dirin Xassan Kheyre
2- Dowladda waxaa ay si cad u qireysaa in ay iyada leedahay qaladka iyo danbiga laga galay ciidanka waxaana ay balan qaadasyaa in ay saxayso wixii qalada ee dhacay
3- Sida ugu dhaqsiyaha badan leh ayaa Raashinkii ciidanka loo bixinayaa iyada oo laga bilaabayo raashinka qalalan
4- Mushaarka waa la bixinyaa iyada oo la raacayo Wixi farsamo iyo in la sixo wixii sixid u baahan
5- In ciidanka ku laabtaan fadhigoodii
6- In Ciidanka lagu soo booqo doono goobtooda shaqo si wax looga qabto dhibka dhacay.
7- Beesha Abgaal odoyaasheeda ayaa balan qaadi buuxa sameeynayo in ay dowlada fulinayso wixii lagu heshiiyay.
Wali lama oga in Taliska ciidanka gadooday in ay aqbali doonaan qodobada kor ku xasan. Wadahalka wali waa soda.
Talaabada uu maanta qaaday Farmaajo ayaa ka dhigayso ciidankii Qaranka (NSA) ciidan beeleed taas oo dhaawac gaarsiin doonto dowladnimada Soomaaliya.