Farmaajo oo u ololeeynaya in uu soo saarto gudoomiyha G. Doorashada Federaalka

Reading Time: < 1 minute

Waxaa ka socda magalaada Muqadisho obole uu hormuud ka yahay Farmaajo kaas oo uu doonayo in uu ku saarto gudoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT). Warar lagu kalson yahay ayaa sheegaya in doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

Illaa hadda inta la ogyahay 4 xubin oo kamid ah guddiga ayaa u taagan xilka guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT) waxa ayna billaabeen ololahooda ay ku doonayaan qabashada xilka guddoomiyaha oo guddiga iska dhex dooranayo Axadda 4-July-2021, xubnaha u sharraxan xilka guddomiyaha FIEIT ayaa kala ah

  1. Cabdicasis Cabdirahman Yusuf
  2. Maxamed Muuse Maxamuud
  3. Maxamed Xasan Cirro guddoomiyihii hore ee guddiga
  4. Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq)

Farmaajo ayaa si gaar ah ugu ololeyneyso in uu xilka guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT)  ku soo baxo Maxamed Muuse Maxamuud oo gacansaar iyo saaxiibtinimo gaar ah la leh Villa Somalia.