Farmaajo oo u Hanjabay dadkii Maanta Mudaaharaaday kuna Tilmaamay Shabab (Dhageyso)

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hanjabaad u diray dhalinyaraddii maanta banaanbaxyadda ka sameeyay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Haween iyo Carruur la isku keenay  xarunta degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin wax banaanbax ah oo sharci daro ah, islamarkaana la doonaayo in lagu burburiyo dalka.

Waxa uu sheegay in banaanbaxayaasha ay ahaayeen rabshad wadayaal burburinaya hantida ganacsatada oo dhaawacay sharafka qarannimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku hoos jireen Al-Shabaab.

Waxaa uu digniin iyo Hanjabaad u diray dadka Banaanbaxyadda sameeya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo banaanbax samaynaysa.

MW Faramajo waxaa uu galabata muujiyeyey:

  1. Aqoondarri hogaamineed oo uusan ka warqabin waxa socda in shacbiga ay berri subax rabaan in dhallinyaro careysani ay  ugu keeni rabaan meydka labadii qof ee la dilay madaxtooyada.
  2. Dhaciifnimo hogaamineed oo uusan qiran Karin culeyska waxa dhacay oo ah halkii xilka iskaga wareejin lahaa.
  3. Taloxumo qofeed oo uu garan waayey caruur iyo haween lagu qeyliyaa inaaneyn kursiga kugu hayneyn ee uu dhammaaday xelligiisii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Cidkaste oo dowladda kasoo horjeedda ay la dagaallami doonto.

Madaxweyne Farmajo iyo xukuumadiisa waa Fashileen waxaana u haray maalmo tirsan ee shacabka ha wadeen Bannaanbaxyada. Waa dhab inay wax khaldaamayaan marka bannaanbaxyo la sameynayo, hasa yeshee waxaa mas’uuliyadda qaadanaya cidda keentay inay bannaanbaxyo dhacaan.

Shuurdaaha bannanbaxyo waxaa ka mid:

  • Inaan xoolo walaalaha aan lagu xaadgudbin oo cidda la beegsanayaa aysan noqon hantidooda, taas oo keeni kartaba inay ka qeybgalaan bannaan baxa bixiyaanna taagero dhaqaale iyo mid cunto inta qorraxda la taagan yahay.
  • In askarta aan lagu xadgudbin , balsa la iska celiyo haddii ay xadkooda soo dhaafaan.
  • In maalmaha yare e uu bannaanbaxa soconayo loo adkeysto oo laga wada qeyb galo, lana dhibsan in noloshu istaagto waayo haddaba waa taagan tahay nolsoha.

Arrintaa waa waajib dalka lagu babaadinayo oo qof waliba saaran maanta waana tan sababtaa:

a). Madaxweynaha, RW iyo Gudoomiyaha gobolka cidna kama naxaan , mid dhinta, mid dhaawacma iyo mid dhiig ku qubeysta. Waana sababta keentay cabsida maanta uu madaxweynaha ugu hanjabay umadda inuu laynayo haddii la soo bannaanbaxo.

b). Dalka waa in ladaba qabtaa ka hor inta uusan burburin oo aan lagu noqon dagaalladii sokeeye.

c). Ma jiraan goloyaal umadda ka naxa sida Golaha wasiirada, Golaha SHacbiga iyo Golaha aqalka Sare oo ka damqanaya dhibaatada ku dhaceysa dadka, haddii kale waxay maanta  u yeeri lahaayeen fadhiyo degdeg ah oo xaaladda wax looga qabanayo, loogana arrinsanayo, laakiin markii aad dariiqyada taagneydeen waxay dhex fadhiyen qolal qaabow. Ma aragteen midkoodna inuusan wax xanuun ah dareemeyn oo aysan kala jecleyn waxa dhacaya dhibtooda.

Haddaba ogaada ma jirto dowlad iyo koox u adkeysan karta hal usbuuc oo bannaan bax ah marka waa in bannaanbaxa la wado si talada looga wareejiyo Farmajo addii waxaa dhimanaya in aad uga badan inta hadda ay dileen.

Ku dayda Shacbiga Suudaan oo iska tuuray Cumar Xasan Albashiir iyagoon qori qaadan.

Ciidamada waxaan leenahay shacbiga mas’uuliyad ayaa idin ka saaran ee la safta sida ay yeeleen CXD ee reer Suudaan oo shacbiga u hiilliya maanta si ay berri markaad dhaawacan tahay ama dhiban tahay ay idiin kugu hiilliyaan.

Halka Hoos ka dhageyso