Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taageeray go’aannadii kasoo baxay shirkii Golaha Watashiga Qaran ee Doorashooyinka, isagoo ku baaqay in Doorashada la dedejiyo.
Khudbad la sii duubay oo la baahiyey ayuu uga hadlay Xaaladda doorashooyinka, wuxuuna sheegay in natiijadii shirka Golaha Qaran ee Wadatashiga Muqdisho ay ka jawaabtay cabashii ka jirtay hannaanka Doorashada.
“Waxaan bogaadinayaa shirkiii kasoo baxday shirkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho oo ay kasoo ay kasoo baxday natiijo wanaagsan oo xaqiijineysa dhammeystirka Doorashooyinka dalka. Shirkaasi waxaa laga soo saaray War-mutriyeed ka jawaabaya cabashooyinkii laga qabay hannaanka Doorashada..” ayuu yiri Farmaajo.
Wuxuu baaq u diray madaxda Maamul Goboleedyada. “Soomaaliya xilligan ma joogno waqti is riixriixdo, is colaadiyo ama is qeybiso.. Jidka kaliya ee looga baaqsan karo maraxaladan, waa inay madaxda maamul Goboleedyada qaataan Doorkooda oo hirgeliyaan jadwalka Doorashada..”
Maxamed Farmaajo ayaa soo hadal qaaday guulaha ay gaartay dowladda Soomaaliya sida dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, Arrimaha dibadda iyo ilaalinta Hantida Qaranka.
“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay” ayuu yiri Farmaajo