Farmaajo oo si toos ah uga hor yimid Imaaraadka & warqad cabasho ah (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Shirka jaamacadda carabta oo lagu qaban doono dalka Masaar ayaa wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta waxaa aay waraaq ashtako ah u qoreen guddiga joogtada ah ee Jaamadda Carabta, waxaana aay ka codsadeen in ajendaha shirka Jaamacadda Carabta lagu soo daro in Soomaaliya aay dacwad ka tahay dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana aay Imaaraadka meel uga dhaceen madaxbannaanida iyo jiritaanka qaran Soomaaliyeed.

Shirkadda DP World ayaa heshiis la saxiixatay maamulka Soomaaliland, kaasoo saami dhan 19% laga siiyay dowladda Itoobiya. Lacagta ku baxeyso dhismaha iyo mashruuca dekedda Berbera oo kor u dhaafeysa $400 oo malyuun ayaa ah lacag deyn ah, 100% deyntaas aay dusha ka fuuleysa shacabka Soomaaliyeed halka faa’iidada kasoo baxda aay Itoobiya ka heleyso 19% oo bilaash ah.