Labadii maalin ee la soo dhaafay waxaa warbaahinta lagu arkayay madaxda ciidamada kala duwan oo ku baaqaya in aan ciidanku ku milmim arimaha siyaasadda. Talabaadan ayaa ujeedada ka danbeeysa waxa ay ahayd in gabi ahaanba aan fursad la siinin ciidanka Badbaado Qaran ee sheegtay in ay Farmaajo xooga kaga saarayaan Villa Soomaaliya.
Dhanka kale Farmaajo ayaa ciidankiisa ku amray in ay xeryahooda ku ekaadaan isla markaana ayan ka jawaabin waxa uu ku sheegay daandaansiga ciidamada taabacsan Rooble.
“Farmaajo waxa uu la ciyaaray ciidanka Badbaado Qaran qorsho cajiib ah, waxa uu gabi ahaanba xiryahoodii ku celiyay ciidanka isaga taageersan, qolada barbaad qaran yay la dagaalayaan hadiiba ayan ciidan iyaga ka horimaanaya. Kuwa Badbaado Qaran meel may qabsanayaa iyaga oo daalay ayaa ay ka dhaqaaqayaan goobta ay qabsadeen” Sidaas waxa yiri sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka Soomaaliya.
Dhanka kale, taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed janaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo oo taabagalinaya qorshaha Farmaajo ayaa kulan la qaatay saraakiil katirsan booliiska ayaa kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo waajibaadka saaran ciidanka booliiska.
Jeneraal Xijaar ayaana u sheegay saraakiisha booliiska in dalku ku jiro xaalad kala guur ah ayna jiraan khilaafaad siyaasadeed, waxa uuna uga digay saraakiisha iyo ciidankaba in ay ku milmaan arrimaha siyaasada ee is diidan.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka booliiska ay u xilsaaran yihiin ilaaliyaan arrimaha nabad-gelyada shacabka Soomaaliyeed, mas’uuliyadna ay ka saaran tahay doorashooyinka dalka, kuna ekaadaan amniga guud ee dalka.
” Mas’uuliyadeena koowaad waxaa waaye inaan ilaalino Amniga, Nafta, Maalka Shacabka Soomaaliyeed, inaan fulino rabitaanka Shacabka Soomaaoiyeed iyo waxaay xaq u leeyihiin, sidoo kale inaan dhowrno Odayga waayeelka ah l, Wiilka yar iyo midka Bajaaita ku Shaqeeysanaya ayuu yiri” Taliye Xijaar.