Farmaajo oo si farsameysan u bixinayo Mursal, Muudey, C Xashi & Bukhaari: Qorshihii oo bilaawday!

Reading Time: 2 minutes

MW Farmaajo iyo Fahad Yasin ayaa dar-dargaliyay qorshihii ay ku bixin lahaayeen koox ay ugu yeereen  “haraagii qowlaysatada”. Kooxdaan ayaa waxaa kamida Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye ku Xigeenadiisa Cabdiwali Muudey iyo Mahad Cawad.

Farmaajo ayaa horay ugu guulaystay in uu ceyriyo Sharif Xasan Shiikh Aadan halka uu sidoo kale daaqada uu kala baxay dhamaan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ku dhaw-dhaw madaxweynayaashii hore, kuwaas oo ku soo hdaamaday in isaga cararaan magalaaddii ay iyagu horay u xukumi jireen.

Sida MOL loo xaqiijiyay waxaa  in mudo ah socday mashruucyo la doonayay in looga takhaluso madaxda hogaanka labada aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya. Arintaan waxa si xoog leh loo  dar-dargaliyay ka dib markii la magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Cusub Rooble, oo isagu noqday shaqsi ay ku adeegtaan Fahad iyo Farmaajo.

Waxaase la yaab-leh in magacaabida Rooble ay qayb ku lahaayeen Muudeey iyo Mursal, kuwaas oo hada arkay in uu yahay shaqsigii lagu bixin lahaa hogaanka labada aqal. Waxaa gabi ahaanba laga saaray gudiga doorashooyinka reer Fedaraal iyo heer Gobol, shaqsiyaad ay iyagu keensadeen kuwaas oo ay doonayeen in ay ku difaacdaan kuraastooda.

Ma aha kaliya in la diiday in lagu daro gudiyada doorashooyinka  shaqsiyaadkii ay  iyagu keensadeen balse waxaa lagu soo daray qaar kamida shaqsiyaadka u ololeeya in laga takhaluso Mursal iyo Moodeey.

Muudeey iyo Mursal ayaa maanta taagay meel cidla ah, waxaana shaki ku jirin in ayan marnaba ku soo noqon doonin xildhibaanimo iskaba-daa in ay noqdaan Gudoonka Baarlamaanka. Qorshaha looga takhalusayo Muudeey ayaa  ah in Fahad Yasin uu noqdo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Fedaraalka.

Faramaajo  oo la hadlayay qaar-kamida saaxiibadiisa ayaa  wacad ku maray in uusan marnaba ogolaan doonin in kooxaha uu ku tilmaamay “qowlaysata” ay sii hayaan mas’uuliyid Qaran nooc kastaa oo ay noqotaaba. Waxa uu yiri “ ragaas waxa aan marinaynaa wadadii Sharif Xasan,  dalkaan waxa uu u baahan yahay in laga dhaqo dhooqadii ay galiyeen kuwa hada haya mas’uuliyada Baarlamaanka Fedaraalka”.