Farmaajo oo si farsameysan loogu sheegay in uu RW Kheyre iska ceyriyo si kalsoonidii wada shaqo u soo noqoto

Reading Time: < 1 minute

Madaxda dowlad goboleedyada ee ka qayb-galaya shirka ka socda Garowe ayaa waxa ay muujiyeen bislaasho siyaasadeed oo aan horay looga baran. Qodobada asaasiga ah ee lagu aasaasay Golaha ay ku mideeysan yihiin dowlad goboleedyada ayaa ahaa in si wada jir ah loo difaaco hadii dowlada dhexe ku soo gardarooto mid ka mida dowlad goboleedyada.

Hadaba talaabad lagu difaacayo qadiyada Madaxweyne Xaaf ayaa ah mid ka tarjumeysa xaalada uu dalka ku sugan yahay maanta. Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa waxa uu in mudo ah dagaal ku hayay dowlad goboleedyada isaga oo ka jaray dhaqaalahii halka qaar kale uu  uga baxay balamo badan.

Go’aank wadajirka  ah oo ay qaateen dowlad goboleedyada ayaa u muuqda mid si farsameysan fartiin loogu diray Farmaajo taas oo ah in uu iska ceyriyo Ra’iisal Wasaare Kheyre oo sabab u ah dhibaatada ka dhex jirta dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada. Ceyrinta Kheyre  ayaa keenaysa in dib uu soo noqdo kalsoonida ka dhaxeeysa labada dhinac.  Nasiib xumo Xassan Kheyre ma laha shaqsi dareen siyaasi iyo mid wadaniyad  leh taas oo uu ku aqbalayo xaqiiqda siyaasadeed ee caawa ka jirta Garowe taas oo ah in uu isagu iscasilo si dalka loo badbaadiyo.

Su’aasha la isweydiinaya ayaa ah MW Farmaajo awood ma u leeyahay in uu aqbalo talada farsameeysan ee ay soo gudbiyeen dowlad goboleedyadda? Ma jirtaa cid talo siiisa oo u akhrisa fartiinta ku hoos duugan qilaafka Galmudug?