Farmaajo oo sheegay in uu jeclaan lahaan in uu hogaamiyo dowlada dhexe oo xoog leh

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynahe Farmaajo ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in uu  hogaamiyo dowlad dhexe oo xoog leh. Waxa kale uu sheegay in doonayo  sidii dalkan looga hir galin lahaa dowlad Dhexe oo awood dhameystiran heysata sidii Siyaad Barre. Qorshahiisana waxa uu yahay sidii  s dalkan uu u yeelan lahaa awood buuxda hadey ahaan leheyd dhinacyada Amaanka iyo Dhaqaalaha.

Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yiri “waxaan rabnaa dowlad dhexe oo Ciidan fiican leh oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrima dibadeed oo adag leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo awood leh.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xili qaar kamid ah mamaul goboleedyada ay xiriirkii wada shaqeynta u jareen dowladd aDhexe, iyagoo ku eedeeyay iney baal martay Dastuurka. Farmaajo ayaa u muuqda mid ay u cadahay in xukunka dalka uu xoog ku maroorsado.