Farmaajo Oo Sagootiyay Michael Keating

Reading Time: < 1 minute

Kadib kulan ka dhacay Maanta Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ay iskugu yimaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Michael Keating ayaa laga helayaa faah faahin.

Waxa labada mas’uul ka hadleen Xaalada Dalka hadda uu marayo,iyadoo Keating uu amaanay shaqada Soomaaliya ka socota iyo Dib udhiska loo sare istaagay.

Michael Keating ayaa Madaxweyne Farmaajo kula dar daarmay inuu isku keenida Soomaalida ka shaqeeyo Siyaasad walbana uu uwajaho si degganaan ku dheehan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulanka Macsalaameynta ahaa ee Keating la qaatay waxa uu kaga waramay Soomaaliya iyo siday hadda udhaqaaqday.

Waxa uu ka xog waramay Hormarka ay ka gaareen Shirkii Shiinaha Isbuucii hore kaga qeyb galeen,Kulankii Asmara Ee Dib uheshiisiinta Jabuuti Iyo Ereteria iyo Arimaha Amniga Dalka oo laga hadlay intuu waddamadaas kusugnaa.

Farmaajo ayaa Macsalaameyn muuqata iyo mid aan warbaahinta wax ka ogaan ku sagootiyey Michael Keating oo shaqada Xafiiska UNSOM baneenaya.