Farmaajo oo safar deg deg ah ugu baxay dalka Masar

Reading Time: < 1 minute

Wararka aanu ka helayno garoonka aadan cade aya asheegayo in MW Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.

Sida lagu sheegay qorala ka soo baxay Midowga Africa, shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas.

Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay  ku  sheegtay;”Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan.”

Iyada oo dalka Soomaaliya ay ka jirto xaalad adag ee dhinacyo badan taabanaysa ayaa Farmaajo u safray dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan.F