Farmaajo oo qorsheynaya inuu ciidanka Uganda ku badalo kuwa ka socda Rwanda

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanaday Farmaajo ayaa in mudo ah  qorsheynayay inuu ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya uu ka saaro dalka.  Waxa uu kulamo kala duwan kula yeeshay dalka Turkiga madaxdii ka qaybgalaysay  shirkii Turkiga iyo Afrika. Waxa uuna madaxdaas ku dhiirigaliyay in any ciidan keenaan Soomaaliya.

Farmaajo ayaa cadaawad gaar ah u qaaday madaxda iyo ciidanka dalka Uganda kuwaas oo uu ku eedeeyay in qayb ka ahaayeen qorshii shaqada looga ceyriyay markii la qabtay shirki loogu magacadaray Kampala Accord.

Farmaajo oo arintaas daba socda ayaa waxa uu wafdi u diray dalka Rwanda si ay uga soo wadahadlaan qaabka ay ciidanka ka socda Rwanda  u imaan lahaayeen dalka  Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa sabtidii maanta dhiggiisa dalka Rwanda Mudane Vincent Biruta, la saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo dhinac socday Shirweynaha Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.

Saxiixa Heshiiskan Is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah.