Mudo laga joogo lix abuuc ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Cabdixakim Maxmed Axmad Dhoobo uu safar gaaban ku tagay magalaada Nayroobi ee dalka Kenya, intii ku sugnaa Neyroobi waxa uu ka qaygalay kulan ay soo diyaariyeen qaar mida siyaasiyiinta beesha Daarood ee ka soo jeedo labada dal. Kulankaaas oo ahaa kulan qado ah ayaa waxa qadka teleefanka whatsapp uga soo qayb galay Madaxweyne Farmaajo.
Farmaajo ayaa ku guubaabiyay siyaasiyiinta wada joogtay oo uu ku jiray siyaasiyaga Farax Macalim, in Puntland laga badbaadiyo Saciid Cabdullahi Deni iyo kooxaha uu dabada kula jiray. Cabdixakim Dhoobo oo diidanaa in Farmaajo soo hadal qaado kulankii iyo wadahadalkii uu Cabdixakim Dhoobo Muqdisho kula soo yeeshay Farmaajo iyo wixii ay ka wada hadalen ayaa la soo booday, “Mudane Madaxweyne shirkaan waxaa uu hordhac u yahay arimihii aan horay uga soo wadahadalnay, aniga ayaana caawa ku soo wacaya”.
Qof ka mida dadkii ku sugnaa kulanka qadada ayaa u sheegay MOL in Cabdixakim Dhoobo uu ahaa nin u muuqday in uu heshiis la soo galay Madaxweyne Farmaajo, kaas oo salka ku hayay sidii loola dagaali lahaa MW Saciid Cabdullahi Deni.
Ilo ku dhaw-dhow xafiiska madaxweynaha Farmaajo ayaa u xaqiijiyaya MOL in Cabdixakim iyo Farmaajo ay qadka taleefanka ee whatsapp kuwada hadleen subaxii Farmaajo uu u safrayay dalka Ruushka, Wadahadalkaaas dhex maray labada nin oo aanu wali helin xogtiisa ayaa la qiyaasayaa in uu la xiriiray sidii loo dar-dar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah hogaanka Puntland.
Cabdixakim Dhoobo ayaa u muuqda in uu yahay nin loo soo dhiibay qorshe siyaasadeed oo lagu qal-qal galinaayo hogaanka Puntland., su’aashu waxa ay tahay Puntland oo taariikh fog ku leh dowladnimada Soomaaliya , si fudud xasilooni daro siyaasadeed ma looga abuuri karaa?