Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa waxaa ay si cad uga laabatay Dacwadii badda Ee ka dhaxeeysay Dalalka Soomaaliya iyo kenya,waxaana arinkaan ka shaqeeyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xassan Iyo R/wasaare Xassan Cali Kheeyre.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka laabtay dacwaddii badda Somalia ee Kenya kala dhaxeeysay kadib markii arrinkaas ay ka shaqeeyeen Kheyre iyo Wasiirkiisa Jamal Mohamed Hassan,sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo ku dhaw dhaw Xafiiska Madaxweynaha.
Sababta ugu weeyn ayaa waxaa ay in Wasiirka Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xassan iyo Kheeyre Helaan Kasbashada Hogaamiyaha dalka kenya Uhuru Kenyatta oo ay damacsan yihiin ay ku Fulistaan Arimo la xariira Som Gaas iyo Daqli dhigasho dalkaasi
Warbaahinta Caalamka ayaa si cad u baahisay in laga laabtay Dacwadii Badda islamarkaana soomaaliya ay Tanasushay,oo kenya sidaasi badda ku xalaashaneeyso.
waa wax lala yaabo in howl Dowladihii hore ay soo qabteen oo ay ku hureen maal iyo maskax la beeylahiyo islamarkaana hanti umadda soomaaliyeed ka dhaxeeyso dan gaar ah lagu fuliyo