Farmaajo oo ogolaaday in Itoobiya ay bixiso ruqsada xoolaha ka dhoofa Berbera (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Xoolaha Berbera Ka dhoofaya Itoobiya ayaa Ruqsadda siineysa 4% qaadaneysa. Akhriso
Wasiirka Maaliyada dowladda federalka ee Itoobiya Axmed Shide, ayaa socdaal aan la sii shaacin waxa uu Sabtidi ku soo gaaray magaaladaan Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sida ay qortay MOL wasiirka sababo badan ayuu u yimid . Haddaba dabagal ay MOL ku soo sameysay socdaalka Wasiirka ayaa waxaa u soo baxday inuu jiray qodob muhiim ahaa oo ay dowladda Itobiya daneysay inuu jiray kaas oo dhambaal gaar ah uu ku qornaa.

Axmed Shidde oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Xisbiga haya talada Ismaamulka Soomaalida, ayaa Xamar u yimid inuu oggoleysiiyo MW Farmajo in arrinta ku saabsab xoolaha Somaliland laga dhoofinayo ee Sucuudiga ku xeray ruqsadda Dowladda Somaliya inay Itoobiya la wareegto arrintaas.

Wasiir Shidde waxaa uu la yimid in Atto Abiy Axmed uu Farmajo ka rabo in ;
Waraaaqda Fasaxa ah ee Xoolaha Berbera ka dhoofayaa inay iyagu bixiyaan, taas oo sida Shidde uu sheegay uu aad iyo aad ugu faraxi doono Muuse Biixi.

Inay Itoobiya ka soo dhameysan doonto Sucuudiga inay iyadu bixineyso shahaadada Xoolaha Somalida ee ka soo dhoofaya Berbera maadaama aysan iyagu wax isu oggoleyn.

Inay itoobiya qaadan doonto dakhliga ka soo gala badeecadaas xoolaha 4%.
Haddaba arrintaan oo ay MOL kala xiriirtay mas’uuliyiin dhowr ah waxay u muuqataa inuu Farmajo sidaas ogolaaday Muusana uuba ka warqabay oo uu yiri intii qof Somaliyeed cuni lahaa mid Amxaar ahi ha cuno.

Haddii arrintaan ay dhacdo waxay ceeb ku tahay isirka Somaliga ah waayo isdiidka siyaasadeed maaha isdiid dadnimo oo haddii Hargeysa cadow ku soo duulo Muqdisho ma daawaneyso sidoo kale Hargeysa kama fadhiisaneyso.

Sidaas darteed hogaamiyayaasha Nasiibka uu rabi uga dhigay inay doorkaan ummada hogaamiyaan ha u fakereen sidii dad dareen leh oo danahooda siyaasadeed yaan danta ummadda loo dhibaateyn.

Sida uu sheegay Ismaciil Buubaa arrinkan siyaasad maaha ee yaan la siyaasadeynin. Dhaqaalaha ka soo xarooda dakhligaas waxaa ku noolaada ilma Somaliyeed ee yaan laga horjoogsan oo nin dhergan yuusan dhibaaateyn shacbiga uu waxooda ku naaxay. Muuse iyo Farmajo, Kheyre iyo Waraabemidna kama qarqabaan waxa ay ku sugaan yihiin hooyooyinka iyo Caruurta ku kala baahsan dalka oo gaajada iyo darxumada la ildaran. Haddii midkood la weydiiyo tirakoob inta xalay gaajo ku seexatay ama cudur qabta ay ciidankooda dhibaateen ma yaqaanaan.

Haddaba Muqdisho ha fududeyso waxkasta oo aarinkaan ku xeran, Hargeysana ha garowsato xaaladda runta ah ee uu dalku ku sugan yahay.