wararka maanta soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada Soomaaliya markale laga codsaday inay xabsiga kasii deyso Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Kulan shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa odayaasha iyo siyaasiyiinta Koofur Galbeed waxay ku heshiiyeen Dowlada Federaalka Soomaaliya ay hordhigaan Labada Shardi oo kala ah.
In Dowlada ay xabsiga kasii deyso Mukhtaar Roobow ama in Dadka reer Koofur Galbeed ay wada shaqeynta iyo xiriirka Dowlada dhexe ay joojiyaan.
Odayaasha kasoo jeeda Koofur Galbeed ayaa hore Dowlada Federaalka Soomaaliya uga diiday lacago ay dooneysay inay kaga raali galiso rabshadihii ka dhacay Magaalada Baydhabo, iyadoo kadib u balanqaaday in xal laga gaarayo arrinta Mukhtaar Roobow balse wali go’aan lagama gaarin
Dowlada Soomaaliya iyo Mukhtaar Roobow oo xabsiga ugu jira ayaa isku mari la’ shuruudo ay Dowlada hordhigtay Wadaadka waxaana Villa Somalia ay ku xirtay sii deyntiisa inuu kasoo baxo Shuruudo horyaala oo aan la faahfaahin.