Farmaajo oo Mursal ku Cadaadinaayo in uu Mudo kordhin sameeyo
Reading Time: < 1 minute
Dhowrkii Todobaad ee Dambe waxaa si aad ah loo hadal-haayay Mudo kordhin uu damacsan yahay in loo sameeyo Goloyaasha Dowlada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan kaas oo uu gadaal ka riixaayo Madaxweyanaha Muda Xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo nala hadlay ayaa sheegaya in Fikradaasi uusan weli ka quusan Madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu ku cadaadinaayo Mursal in uu dajiyo qorshe Baarlamaanka lagu horgeeynaayo arrinkaan.
Sida aan xogta ku helnay Mursal ayaa kulamo gaar gaar ah ka dhex wada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo uu ku qancinaayo dalabka farmaajo.
Kulan dhawaan dhacay oo qorshahu ahaa in Mudo kordhin loogu sameeyo Golayaasha Dowlada ayaa waxaa is hor istaagay Qaar ka mid ah Xildhibaanada BFS