Reading Time: < 1 minute

Farmaajo ayaa sadaxda Madaxweyna Goboleed ee Qoor-Qoor, Waare iyo Lafta-Gareen ugu yeeray in ay tagaan magalaada Muqadisho dhowrka maalin ee soo socda. Talabaada uu qaaday Farmaajo ayaa salka ku hayso laba arimood oo culays lagu soo saaray isaga  1), Beesha caalamka oo ku qasabtay Farmaajo in la heshiiyo dowlad goboleedyada isla markaana ayan dhaafin labada asbuuc ee soo socota hadii kale beesha caalamka ayaa isku keenayo labada dhinac. 2) In uu kaalmo ka helo dhanka Dowlad Goboleedyda si ugu qasbo Xasan Kheyre in uu iscasilo taas oo mucaaradku sabab uga dhigeen waqti kororsigiisa.

Dad badan ayaa rumeysan in talaabadan uu Farmaajo qaaday ayan waxba ka badalaynin xaalada ka jirta dalka, dadka ay tahay in uu la  heshiiyanaa waa  dadka ay colaada kala dhaxeeyso ee ah Axmad Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deni. Jubbaland iyo Puntland waa isku aragti dhankastaas, sidaas darteed, kulankaas oo uu u qabto Qoor-Qoor, Waare iyo Lafta-Gareen waxba kama badalayso xaalada dalka ka jirta.