Kulan in mudo ah loo balansanaa ayaa markii sadaxaad la baajiyaya iyada oo aan wax cudurdaar ah loo yeelin. Farmaajo ayaa shalay baajiyay kulan horay loo qorsheeyay in uu beesha Caalamka kula yeesho Madaxtooyada Villa Somalia.
Sida ay sheegayaan wararka lagu kalsoon yahay kulnkaas looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka in waqtigooda ku dhacaan, xiisada Gobolka Gedo ee xuduuda, khilaafka Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada sidii is faham looga gaari lahaa.
Madaxweyne Farmaajo ayaan waxaa loo waday farriin culus taas oo ku saabsan sidii dowladda u wajahi laheyd howlaha horyaala, maadaama dalku geli doono kala guur lixda bilood ee soo socda oo dowladdu muddo xileedkeeda soo yaraanayo.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb geli lahaa Safiirada dalalka Midowga Yurub, UK, Wakiilka Qaramada Midoobey iyo wakiilo kale. Maalmihii u dambeeyay wakiilada Beesha caalamka ayaa war ka soo saarayay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, iyadoo u dambeeyay war saxaafadeed maalin ka hor ka soo baxay Midowga Yurub oo looga hadlayay xaaladaha amni ee ka jira Galmudug iyo Jubbaland.
Talaabada uu qaaday Farmaajo ayaa waxa loo arkay in ay tahay mid uu ku doonayo in ku jahawareeriyo beesha Caalamka isla markaana uu kaga dhuunto in uu qaado ama uu oofiyo balamiihii uu horay u qaaday.
Beesha Caalamka ayaa maalmaha soo socda yeelan doono kulamo gaar ah ka yeelan doonaan dhaqan xumida Farmaajo, waxaaxa la filayaa in ay ka qaataan go’aano culus isaga iyo hogaankiisa.