Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ka codsaday MW Ismaaciil Cumar Geele in safar kale uu ku tago dalka Jabuuti si uu kulan ula qaato madaxda Jabuuti. Madaxweynaha Jabuuti ayaa u sheegay Farmaajo in uu imaan karo dalka Jabuuto, qofkastaa oo Soomaali ahna lagu soo dhaweynayo Jabtuuina waa dalkooda labaadaad.
La taliyayaasha MW Ismaciil Cumar Geele ayaa qadka taleefanka ugu sheegay Farmaajo in ayan waxba soo kordhinaynin imaatinka uu yimaado dalka Jabuuti iyada oo aan wax laga qaban arimhii horay looga hadlay. Si kastaaba ha ahaatee MW Farmaajo ayaa ku adkeystay in uu tago dalka jabuuto maalmaha socdo.
Farmaajo ayaa u sheegay madaxadii uu kula kulmay magaalada Bahr Dar asbuucii hore in MW Ismaaciil Cumar Geelo uu hinaaso ka qabo guusha iyo magaca uu Farmaajo ka helay ka qayb noqoshada isbahaysiga sadax geesoodka ah. Farmaajo aya au muuqda mid ku tilmaamaya MW Ismaaciil Cumar Geelo sahqsi ka maseersan guusha uu sheeganayo Farmaajo laakiin Farmaajo ayaan aqoon badan u lahayn karaamada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan MW Ismaaciil Cumar Geele.