Farmaajo oo Mar Kale ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al-shabab,sidee Lagu Rumeeysan Karaa??

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa waxaa uu mar kale Iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab kaasi oo uu Hogaamin Doono,islamarkaana la doonaayo in Dalka looga Saaro Al-shabaab

Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgalkaan uu ka duwan yahay kuwii hore oo ciidamada intay meel qabsadaan ay kasoo bixi jireen, laakiin kan uu yahay mid culus oo ay fulinayaan ciidamo isku dhaf ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Dhowr jeer oo hore ayuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Kooxda Al-shabaab kaasi oo aan fulin,waxeeyna tani u muuqataa in ay la mid ahaan doonto kuwii hore uun islamarkaana ayna jiri doonin waxyaabo kasoo naasa-cadaada