Farmaajo oo magacaabay Guddoomiye cusub gobolka Gedo

Reading Time: < 1 minute

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha ayaa MOL u xaqiijiyay in loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Kullane (Jiis Mariixaan). Cabdullaahi Kullane oo labadii sano ee la soo dhaafay ku magacownaa Xoghaynta Guud ee Agaasimaha NISA Fahad Yasin ayaa kaalin mug leh ku lahaa ciidamada la geeyay gobolka Gedo.

Kullane aya sidoo kale ka mid ahaa shaqsiyaadkii ka danbeeyay dhiibistii Qalbi Dhagax, waxaana Qalbi Dhagax uu ku eedeeyay in uu ahaa shaqsigii amray in la dilo ama xabsiga lagu sii hayo Qalbi dhagax mar uu wareysi siiyay saxaafadda.

Magacaabidda aya imaneysa kaddib markii uu Madaxweyne Farmaajo amray in xabsiga la dhigo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo iyo Guddoomiyihii degmada Baardheere oo Muqdisho ku sugnaa maalmahii la soo dhaafay, kuwaasoo hay’adda NISA ay xabsiga u taxaabtay maalintii Khamiista oo ay taariikhda ahayd Febraayo 6, 2020.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa heegan geliyay ciidankiisa, iyadoo laga cabsi qabo in uu dhex maro dagaal ba’an ciidamada Jubbaland iyo ciidanka dowladda federaalka ee dhawaan la geeyay gobolka Gedo.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!