Farmaajo oo magacaabay 12 Safiir iyadoo muddo xileedkiisa aay ka harsan tahay 30 Maalmood

Reading Time: < 1 minute

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo goor dhow soo gaartay MOL ayaa lagu sheegay in 12 danjire la magacaabay, walow aan lagu qorin meelaha loo kala magacaabay.

Warqadda ayuu Wasiirka waxa uu ka wargelinayaa RW Rooble in la magacaabay Danjirayaasha si aay u ansixiyaan Golaha Wasiirada. Iyadoo muddo xileedka Madaxweynaha aay ka harsan tahay muddo bil ah, waa sharci darro in la magacaabo jagooyin cusub.

Magacaabiddan ayaa qeyb ka ah ololaha Musharax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ragga la magacaabay ayaa waxa aay qaadaneysaa ugu yaraan 3 bilood inta aay ka soo aqbalayaan dalalka loo magacaabay.

Dhanka kale Liiskaan ayaa markii la geeyay Golaha Wasiirada, si loo meel mariyo ayaa dib loo celiyay, kaddib markii qaar ka mid ah Wasiirada ay ka keeneen dood ku saabsan habka awood qeybsiga, maadaama xubnaha la soo gudbiyay hal beel u badnaayeen.

Wasiirada ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo saluugay habka awood qeybsiga iyo hal beel in loo sadbiyay. Intaas kaddib Ra’iisul Wasaaraha ayaa dib u celiyay magacaabisda Safiiradq gaarayay 12 xubnood. Wali ma cada in Madaxweyne Farmaajo wax ka badli doono liiska ama sideeda loo ansaxi doono.

Lix ka mid ah Danjirayaasha la magacaabay ayeey MOL heshay meelaha loo magacaabay.

  1. Salim Macow Xaaji – Sacuudi Carabiya
  2. Axmed Cali Daahir – China
  3. Cali Maxamed Maxamuud – Imaaraadka Carabta
  4. Abshir Xasan Abshir – Uganda
  5. Cabdulahi Axmed Jaamac – Beljam & Midowga Yurub
  6. Yonis Xasan Xaashi – Kenya