Farmaajo oo culeys badan kaga imaanayo beesha caalamka iyo Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed ayaa waxa uu bilaabay dhaqdhaqaaq u muuqda mid istus tus ah laakiin waxba aan ka badalaynin xaalada jirta. Waxaa la xiray dhamaan wadooyinka Magalaada Muqadishu si uu u tago xarunta ciidanka ee Imaaraadkakana
Farmaajo oo ay ka muuqato cabsi fara badan ayaa saakay ka dhuuntay ciidankii Soomalida ee ilaalin jiray isaga oo amaankiisa oo dhan ku wareejiyay AMISOM.
Dad badan ayaa isweydiinaya maxay soo kordhinaysaa kulamo uu ku qabto xaruumaha ciidanka? Ma jirto cid loo ceyriyay dhibaatada dalka ka jirta? Dhamaan dadkii ku fashilmay aminga waxa ay hayaan mas’uuliyad ayan u qalmin? Iska daa in uu wax ka qabto xaalada amini ee ka sii dareysa ee waxa uu awoodi waayay in uu la xiibaatamo Ra’iisal Wasaarihiisa abuuray qalalaasaha ciidan ee hadda dalka ka jira.
Nasiib xumo, dad ban oo maanta nolal u raadin lahaa caruurtooda ayaan awoodin ka dib markii wadooyinka uu ka xiray?, ilee intee ayaa shacabka reer Muqadadishu ku sii jirayaan xaaaladaan?