Farmaajo oo maanta sameeynaya dhoolatus awood, wadoonka magaaladana xirtay

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka waxaa saakay u xiran waddooyinka Magaalada Muqdisho, Jid-caddayaasha xaafadaha ee gala waddooyinka waaweyn waxa ay ku jareen Gawaari dagaalka gaar ahaan kuwa gaashaaman.

Xirashada wadooyinka ayaa qayb ka ah dhoolatus balaaran oo uu Farmajo maanta ka sameeynayo magalaada Muqdisho, isaga oo doonaya in uu u awood sheegto mucaaradka iyo Rooble oo maanta ku xayiran hoygiisa.

Waxaa joogsaday isu socodka Gaadiidka halka meelaha qaar xitaa aan loo ogoleyn in ay maraan Dadka rayidka ah ee lugeynaha (Cagahooda maalaya) sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen qaar kamid ah Dad dib looga celiyay waddooyinka xiran.

Xalay xili dambe ayaa ciidamadaan la dhigay waddooyinka saakay u xiran, jidadka ayaa ah kuwa haawanaya (cidlo ah) maadaama la joojiyay Gaadiidka iyo Dadka sida joogtada ah u marayay sabab la xiriirta xuska aasaaska ciidanka Xoogga Dalka.

Munaasabad lagu maamuusayo aasaaska ciidanka xoogga Dalka oo laga joogo 62sano ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Muqdisho inkasta oo uu jiro shaki laga muujiyay qorshe ay damacsan tahay Villa Somalia sida ay ku doodeen dhinacyo kala duwan.