Farmaajo oo maanta safray ujeedo badan ah u aaday dalka Itoobiya

Reading Time: < 1 minute

Sida MOL horay idiinkuugu soo gudbisay Farmaajo ayaa qorshahiisa ahaa in  uu safray ujeedo badan leh uu ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka  Itoobiya. Addis Ababa waxaa isaga imaan doono madaxweynaha Eritereeye Afwerki halkaas oo uu ka dhici doono shir sadax geesood ah iyada oo marmarsiiyo laga dhiganayo caleemasaarka Ra’iisal Wasaare Abiy Axmad.

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu u safray Addis Ababa halkaas oo uu kaga qayb-galayo dhismaha xukuumadda cusub ee Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u safray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan xafladda dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya.”

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!