Farmaajo oo Maamul Cusub ka yagleelaya Deegaanada Maamulka Soomaaliland sida uu sheegay Faysal Cali Waraabe

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal cali waraabe ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Soomaalia ee uu hogaanka u hayo Maxamad Cabdulaahi Farmaajo ay hada ku howlantay dhisida Maamul Goboleed kaa oo ay doonayso in Maamul ay kayagleesho Gobolada Sool iyo Sanaag oo hoostaga Dowlada Soomaalia kana madaxnaan Soomnaaliland.

Faysal Cali ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn Somaliland in deegaanadeeda laga dhiso maamul, isla markaana ay si adag uga soo horjeedo qorshahaasi uu sheegay, isagoona xusay in talaabo deg deg ah oo ka dhan ah qaadi doonaan arintaasi.

Faysal ayaa sheegay in qorshaha ay dowladda federaalka ku rabto in deegaanada goboladaasi ay maamul ugu sameyso ay hor kacayaan, isla markaana ay fulinayaan xubno ka tirsan xukuumadeeda iyo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo-daareed

Wuxuu sidoo kale uu sheegay guddoomiye Faysal in dhismaha maamulkaasi lagu dhisayo iyo qorshihiisaba ay xubnaha ku howlani ka wadaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Hadalka Faysal ayaa waxa uu ku soo aadaya xili uu Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, oo uu kula kulmeyna Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu kamid ahaa Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, Cabdixakiin Cameey.

Maamulkan cusub ee uu sheegay Faysal Cali  ayaa waxa uu ka madax banaan doona maamuladda Somaliland iyo Puntland, oo iyagu inta badan uu ka dhaxeeyo dagaal xuduudeed baahsan oo dhowr jeerna soo noq-noqday.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!