Farmaajo oo loogu baaqay in uu karti iska raadiyo kuna daysado Theresa May

Reading Time: < 1 minute

Xilldhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tartarsiiyay Madaxwayne Farmaajo in ka fal-celinta Hindisaha xilka qaadista uu uga daysado Ra’iisul Wasaaraha UK.

Haweeneyda wasiirka koowaad ka ah Ingiriiska, Theresa May, ayaa todobaadkii hore ka bedbaaday Mooshin xilka qaadis ah oo ay ka keeneen sharci-dejiyaal ka tirsan Xisibigeeda oo dhaliilay qorshaheeda ka bixitaanka midowga Yurub.

“Waxaanu rabnaa in sida ay [May] iyadda oo haween ah ugu dhiiratay inay hor-tegto Baarlamaanka oo ay kalsooni waydiisatay, inuu eedaysane Madaxwayne Farmaajo uga daysado,” ayuu yiri Xilldhibaan Fiqi.

Fiqi oo war-fidiyeenka ugu waramay faras-magaaladaha Muqdisho ayaa cod dheer ku qeexay inaanu marnaba gor-gortan ka geli doonin soojeedintooda, ayna kaliya ubaahan yihiin inay soo Golle joojiyaan Madaxwaynaha.

Geesta kale, Xilldhibaan Daahir Aamiin Jeesow, ayaa qiray inay socdaan wadaxaajoodyo la doonayo in lagu dhameeyo xasaradda ka dhalatay Mooshinka xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan hadii ay jiraan dadaalo ka socda dhinacyo kala duwan – oo ay ku jireen dalal shisheeye – ayuu ku jawaabay: “Haa, waxaa socda waan-waan la rabo in lagu qaboojiyo xaaladda.

In ka badan 92 mudane oo Gollaha Shacabka ah 9-kii bishaan Gudoomiye Mursal ugudbiyay Mooshinkaasi, oo uu cadeeyay Afhayeenka inuu qabtay, inkasta oo ay ku khilaafeen ku xigeenadiisa, taasi oo khal-khal siyaasadeed abuurta.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!