Waxaa dhawaan qabsoomi doono shirk deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda Wadamada IGAD, waxa isla shirkaad daba socda shir uu ku baaqay Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni, shirkaas ayaa waxa isugu imaanaya madaxda wadamada ciidama ka joogaan Soomaalia ((TCC).
Labada kulan oo arimo badan looga hadli doono ayaa si qaasa waxaa diirada loogu saari doonaa xaalada amini iyo mida siyaasadeed ee ka sii dareysa ee ka jirta dalka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo hogaanka geeska africa ay horay uga barteen been iyo aragti la’aan ayaa horay fartiimo ugu soo faray kaas oo ay ugu sheegeen in uu wax ka badalo siyaasadiisa ku wajahan Amniga iyo guud ahaan “transitional Plan” ama qorshaha dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho nabad ah.
Farmaajo oo wal-wal ka qabo canaanta uu kala kulmi shirarkaas ayaa waxa uu shalay isku shaandheen ku sameeyay ciidanka kaas oo ah mid soo dadajin doona burburka ciidanka iska daa in uu waxa ka badalo aminga dalka.
Farmaajo ayaa dhowr mar lagula taliyay in uu badalo hogaanka xukuumadda dalka si rajo cusub loo galiyo shacabka Soomaaliyeed balse wuu ka dhaga adeegay. Milkiilaha Dowlada Fahad Yasin ayaan marnaba ogolaanayin in dalka isbadal laga sameeyo isaga oo ka baqayo in danahiisa gaar ka iyo kii dalalka uu u adeego ay halkaa ka baxayaan.
Su’aashu wax ay tahay Farmaajo ma sameeynayaa isbadal inta aan la gaarin shirarka soo socda oo muhim u ah dalka Soomaaliya?. Shirarkaas ayaa waxa goobjoog ka ahaan doono wadamada deeqaha siiya Soomaaliya.