Madaxweyne Farmaajo aya xalay waxa uu kulan albaabada u xiran yihin la qaatay qaar ka mida ganacsatada beesha Mariixaan oo wakiil ka ahaa beesha Mariixaan, Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay ganacsadaha shirkada la ah Madaxweyne Farmaajo Axmad Adan oo loo yaqaan (Axmad Dhere) ayaa ujeedadeedu ahayd in dib loo soo nooleeyo xiriirka Madaxweyne Farmaajo uu la leeyahay ganacsatada beesha Mariixaan ee ku dhaqan dalka Kenya.
Kulanka ayaa ujeedadisu waxa kaloo ahayd in Beesha Mariixaaan ay biloowdo in ay siyaasadda Kenya kula tartamaan beesha Ogaadeen oo iyadu saaameyn wayn ku leh siyaasaddda dalka Kenya. Farmaajo ayaa yiri “ hade waxa iska muuqata in Kenya Mariixaaan looga adkaaday, loonana baahan yahay in aad midowdaan kana faa’iidaysataan fursadda jirta ka jirta Soomaaliya iyo Kenyaba”.
Dhanka kale waxaa iyagana ka hadlay qaar ka mida ganacsatada beesha Mariixaan oo ku adkeeyay MW Farmaajo in uusan ka bixin balantii uu horay u qaaday oo ahayd in Cabdicasis Xassan Lafta Gareen uu noqdo Madaxweynaha Dowlad Goboeleedka Koonfur Galbeed. Mid ka mida ganacsadata ku sugnaa shirka aya yiri “Doorashada Cabdicaisis Lafta gareen waxa ay kaalin mug leh ka qaadanaysaa taladii aad adiga horay inoogu soo jeedisay”