Farmaajo oo kulan kula jira taliyayaasha ciidamada Qalabka Sida: Milateriga, Booliska, NISA

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan la leh taliyaasha ciidamada Qaranka, sida Milateriga, Booliska, NISA iyo taliyaha qaybta guud ee booliska gobalka Banaadir.

Lama oga waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan dhinacyadan, hayeeshee waxaa wararka qaar ay tilmaamayaan in madaxweyne Farmaajo uu saraakiisha ciidanka kala hadli doono xaalada ka taagan Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa Wasiirada amniga iyo Gaashaandhigga u diiday in ay galaan Madaxtooyada, sidoo kale waxaa gaadiidka Beebaha ah lagu jaray Xaawo Taako, Ceelgaabta iyo Sayidka.