Farmaajo oo Kulan Gooni ah la qaatay Gudoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka!!!

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo ay heleyso MUQDISHO ONLINE ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

Kulankan uu dalbaday Madaxweynaha ayaa u badnaa dardaaran iyo war kala qaadasho, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ku wargaliyay Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan in howlo badan ay horyaalaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane Farmaajo ayaa ka codsaday Guddoomiyaha cusub in si dhaqso ah loo meel mariyo Sharciyo badan oo dalka muhiim u ah oo horyaala Baarlamaanka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan ayaa si weyn kaga mahad celiyay kulankan uu ka dalbaday Madaxweynaha isagoo balanqaaday in isaga iyo kooxdiisa ay isbedel muuqda la imaaan doonaan.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in Baarlamaanka uu si deg deg u ansixin doono sharciyo badan oo horyaala, isagoo sheegay inuu wada shaqeyn dhow la yeelan doono Xubnaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!