Farmaajo oo ku wajahan Nairobi iyo Uhurru oo aan ogolaansho laga haynin

Reading Time: 2 minutes

Wararka ka imaanaya magalaada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dhawaan safar deg-deg ah ku tagi doono magaalaada Nairobi ee dalka Kenya. Safarka Farmaajo ayaa yimid ka dib markii uu in mudo ah codsanayay in uu kulan fool-ka-fool ah la yeesho Madaxweynaha dalka Kenya  Uhurru Kenyatta.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmad ayaa waxa uu labadii maalin ee u danbeeysay ka shaqaynayay in uu ku qanciyo Madaxweyne Uhurru Kenyatta in  uu ogolaado in Farmaajo yimaado Nairobi si loo dajiyo xasarada siyaasadeed ee u dhaxeeysa labada dal.  Dalka Maraykanka ayaa dhankooda ku eedeyay Farmaajo in uu ku xadgudbay xiriirka dublamaasiyeed ee u dhaxeeysa labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, sidaas darteedna uu si deg-deg xal ugu helo hadii uu doonayo in uu sii hayo xiriirka uu la leeyahay dowlada Maraykanka.

Abiy Axmad ayaa labo habeen ka hor waxa uu qadka taleefanka ku hadalsiiyay labada hogaamiye, inkastaa oo wadahadalaas uu ku dhamaaday fashil oo aan go’aan laga gaarin, hadana Ra’iisal Wasaaraha dalka  Itoobiya Abiy Axmad ayaa aad ugu mashquulan sidii uu u soo afjari lahaa qilaafka labada dhinac, iyo sidii uu u dhici lahaa kulan deg deg.

Dhanka kale dad ku dhaw-dhaw Farmaajo ayaa kula taliyay MW Farmaajo in uusan u safrin dalka Kenya iyada oo lagu jiri xaalad dagaal uu dalka  Soomaaliya kula jiro Kenya. Waxa lagula taliyay in uu labada hogaamiye isugu tagaan dalka Itoobiya ama meel kale oo dhex-dhexaad ah taas oo muujinaysa in uusan isku dhiibin dalka Kenya. Laakin Farmaajo ayaa ku adkaysanaya in uu tago dalka Kenya si uu u soo qanciyo Uhuru Kenyatta.

Uhurru Kenyatta ayaan marnaba ogolaan doonin in uu safro dalka Itoobiya si uu ula soo kulmo Farmaajo , sababta oo ah Farmaajo ayaa horay ugu balan furay Uhurru. Ma aha kaliya in Uhurru diidan yahay in  uu u safro dalka Itoobiyo , balse waxa uu u arkaa kulanka Farmaajo mid waqti dhumis ah.