Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Nairobi, Saldhigna ka sameeysanaya halkaas?

Reading Time: < 1 minute

Sida MOL ay u xaqiijiyeen ilo muhim ah oo lagu kalsoon yahay waxaa magalaada Nairobi ee dalka Kenya ku wajahan Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa hada magalaada Nairobi gaaray oo degaano ka smeeysay dhamaan saaxiibada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo. Dhamaan shaqalhiisa gaarka ahaa ee madaxtooyada iyo qaar kamida lataliyaashiisa gaarka ah ayaa ku sii qulqulaya magalaada Nairobi.

Waxa lagu arkayaa magaalada Nairobi kulamo gaar gaar ah oo ay kooxaha taageersan Farmaajo  ka wadaan halkaas, iyaga oo inta badan la kulmaya xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magalaadaas.

Qaar kamida saaxibada Farmaajo ayaa u sheegay MOL in madaxweyne Farmaajo guri casri ah looga diyaarinayo xaafada qaaliga ah ee Karen ee ku taalo duleedka magaalada Nairobi.

Farmaajo  iyo saaxibadiisa gaarka aha ayaa la filayaa in horaanta sanadka soo socda oo ay maalmaha ka hareen ay si buuxda u bilaabaan ololaha lagula dagaalayo hoogaanka Madaxweyne Xasan Sheekh. Cabdirahamaan Dhere oo wakiil ka ah Fahad Yasin ayaa waxa uu halka  ka wadaa shaqooyin la xiriira saldhiga ay kooxda N & N uga howlagli doonaa halkaas.

Waxaa  horay magalaadaas degaan uga sameeystay  Ra’iisal Wasaarihii Xasan Cali Kheyre , Madaxweynihii hore Sheekh Sharif iyo kooxo kale oo la filayo inay ku biiraan mucaardka  ka soo horjeeda dowlada Xasan Sheekh.

Dhanka kale waxaa halkaas asbuucyadii u danbeeysay isaga daba noq-noqnoqonayay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen isaga oo halkaas kula kulmayay saaxibo ku dhaw-dhaw madaxweynihii hore Farmaajo. Lafta Gareen ayaa degaan rasmi ah ka sameeystay magalaada Nairobi kaas oo noqon doonta goob uu kula kulmo saaxiibadiisa taargeersan dowladiisa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.