Farmaajo oo ku wajahan Itoobiya iyo kulan sadax geesood ah oo furmaya

Reading Time: < 1 minute

Bisha soo socota afarteeda  (4/10/2021 ayaa la filayaa in madaxweynaha xilka ka dhaamaday MW Farmaajo uu safar ku tago magalaada Addis Ababa. Safarkaan ayaa lagu sheegay in uu Farmaajo uga qaybgalayo Caleemasaarka Ra’iisal Wasaare Abiy Axmad.

Dhanka kale kule, waxaa sidoo kale halkaas ka dhici doona kulan sadax geesood ah oo dhexmari doono madaxda dalalka Itoobiya, Eritereeye iyo Soomaaliya oo uu matali doono Farmaajo. Kulankaa ayaa dabasocda qorshaha uu doonayay Madaxweynaha Dalka Eriteereya Afwerki uu ku sii adkeeyo ibaheysiga sadax geesoodka.

Wararka kale ayaa sheegaya in laga yaabo in ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritereeya dib loogu soo celiyo Soomaaliya si ay u taageeraan qorshaha Farmaajo uu ku doonayo in uu dalka xoog ku sii haysto.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!