Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu socdaal ku tago dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu martiqaad ka helay. Martiqaadkan ayaa waxaa ka danbeeyay wadamada Ugandha iyo Masar, waxaana lagu wadaa in aay kala hadli doonaan arrimo xasaasi ah oo la xiriira xafiiska Madaxweynaha oo aay taladiisa gebi ahaanba la wareegeen urur diimeedka Ictisaam.
Ilo wareedyo kala duwan oo ku dhow dhow Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijinaya in 20-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta uu Madaxweynuhu u ambabixi doono Imaaraadka Carabta.
Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda tagaan Imaaraadka Carabta, waxaana ka mid ah Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.
Cabdiwali Cali Gaas iyo Shariif Xasan, Axmed Ducaale Xaaf, iyou Axmed Madoobe ayaa isku raacay in aay la shaqeyn doonaan Farmaajo waa haddii uu ku dhiirado in uu ka saaro Madaxtooyada Agaasimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin.
Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii u dambeeyay saameyn ku laheyd siyaasadda Soomaaliya, iyagoo si weyn u dhex galay, xiriir adagna ka dhex sameystay Maamul goboleedyada.
Sidoo kale Imaaraadka Carabta ayaa waday olole ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyagoo ku kiciyay siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada.
Lama oga waxa uu ka bedeli doono safarka Madaxweyne Farmaajo ololaha iyo taageerada dhaqaale ee Imaaraadka Carabta ku bixinayo mucaaradada lagaga soo horjeedo dowladdiisa.
Tan iyo markii dowladda Soomaaliya mowqif dhex dhexaad ka qaadatay xiisada khaliijka ayaa waxaa isa soo tarayay cadaadiska iyo culeyska dowladda kala kulmeysay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, inkastoo safar dhowaan Madaxweyne Farmaajo ku tagay Sacuudiga ay yareysay cadaadiskaas, isla markaana Sacuudiga dib u fasaxay lacagihii uu Soomaaliya u balan-qaaday,