Farmaajo oo ku Qasbanaaday in uu Fuliyo qaar ka mid ah Qodobadii uu Jawaari Dalbaday!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed Farmaajo oo Maalintii shalay soo fara Geliyay Xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex jirta Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Goddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo dhowr jeer Saaxafada lahadlay ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in uu soo fara geliyo Xiisadda ka dhex jirta Xildhibaanada Golaha Shacabka, sidoo kale Gudoomiye Jawaari ayaa waxa uu ka dalbaday in Golaha shacabka lagu soo celiyo Ciidamdii hore ugu tababarnaa ilaalada xarunta Golaha Shacabka ee laga qaaday.

Dhanka kale Dalabaadka uu diray Gduoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari ayaa laga soo jawaabay,iyadoo Maalintii shalay Madaxweyne Farmaajo uu Baajiyay Kulankii ay ku balan sanaayeen Xildhibaanada iska soo horjeeda, islamarkaana kala watay labo Guddoomiye iyo labo Ajande, sidoo kale waxaa maanta laga dul qaaday Xaruntii Golaha Shacabka Ciidamadii Dhawaan lageeyay, iyadoo dib loogu soo celiyay Ilaaladii Xarunta Golaha Shacabka u tababarneed.