Farmaajo oo ku guuleeystay in uu Gool ka dhaliyo Jawaari Iyo Bari oo!!!

Reading Time: < 1 minute

Xili maanta uu shaaciyay Gudoomiye Jawaari in uu Xalay Madaxweyne Farmaajo ku yiri IS CASIL aya waxa muuqata in Gudoomiye Jawaari lagu sameeyay Qiyaano in gool laga dhaliyay.

Waxa Xalay kulmay Gudoomiye Jawaari iyo Madaxweyne Farmaajo xili la rajeenayay in qaab odayeeysan uu dhexdhexaadinaayo qilaafka taagan maadama uu todobaadkii hore uu baajiyay kulankii Golaha Shacabka.

Gudoomiye Jawaari aya xiligaasi sheegay in uu aqbalay Codsiga Madaxweyne Farmaajo ee aha in uu dib u dhigo isago suxufiyiinta u sheegay in Codsigaasi uu laha Madaxweyne Farmaajo.

Godoomiye Jawaari aya shegay in wixii beri ka dhaca Xarunta Golaha Shacabka uu Masuuliyadeeda qaadi doono Madaxweyne Farmaajo oo Gudoomiye Jawari ku cadaadinaya in uu is casilo iyado saakay Muqdisho.online idin baahisay in kulankasi lagu kala booday oo jawaari laga dalbaday in uu is casilo.

Ficilka uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo aya mid uu ku qayaamay Gudoomiye Jawaari oo siyaasad ahaan daacadnimo u hadlaya,balse arinka iyo ficilka Madaxweyne Farmaajo aya ah mid Kooxda Qiyaano ay ku doonayan in ay Burbur lixaad leh u geystaan Dowlad-nimada Soomaaliya iyo Hanka Shacabka Soomaaliyeed.