Farmaajo oo ku eedeyay Axmad Cawad in uu ka danbeeyay go’aankii Kenya loogu codeeyay in ay ilaaliso badda Soomaaliya

Reading Time: 2 minutes

Wararka ka imaanaya madxatooyada ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si  ka soo horjeesatay go’aanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay ug doorteen Kenya si ay u hoggaamiso la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya.

Shirkii dhawaan loogu doortay dalka Kenya in ay labada sano ee soo socoto ay gudoomiso gudiga ka hortaga burcad badeedka iyoilaalinta badda Soomaaliya ayaa Dowlada Soomaaliya waxa ay codkeeda ku biirisay dalka Kenya. Arintaan ayaa waxaa aad uga xumaaday shacabka Soomaaliyeed guud ahaantiis.

Madaxweyne Farmaajo oo markii hore raali ku ahaa doorashada Kenya isaga  oo u arkaayay in ay hoos u dhigayso colaada siyaasadeed ee u dhexeeysa  labada dal ayaa horay ugu amray Axmad Ciise Cawad in uu codka Soomaaliya ku biiriyo dalka Kenya. Farmaajo ayaa hadda ka soo horjeestay go’aankaas oo   ku inkiray kuna eedeyay Cawad in uu go’aankaas isaga kaliya gaaray.

Hadabada Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan u hoggaansameyn go’aan kooxda xiriirka Soomaaliya ay Kenya ugu doorteen in ay noqoto guddoomiyaha labada sano ee soo socota ee la dagaalanka Burcad Badeedda Soomaaliya.

“Ma jiro hadda burcad badeed lala dagaalamo waxaana labada dal Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeya xurguf dhinaca Badda ah.”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Ururka Xiriirka Soomaaliya ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya ay dhamaatay howshiisa isaga oo ku guuleystay sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka Arrimaha Dibbada Axmed Ciise oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka war sugeyso go’aanka Maxkamadda ICJ ee xukunka la xiriira inta ka horreysana aysan tallaabooyin dheeraad ah qaadeyn.

Axmad Ciise Cawad oo la hadlay qaar ka mid saaxibadiisa ayaa xaqiijiyay in go’aanka Kenya loogu codeeyay  laguna siiyay codkii Soomaaliya uu raali ka ahaa Madaxweyne Farmaajo. Cawad ayaa yiri “dhowr asbuuc ka hor ayaan u sheegay arintaan Farmaajo, waxa uuna igu amray in Soomaaliya ka aamusto oo loo daayo codka dalka Kenya”.