Farmaajo oo ku adkeeysanaya in lagu martiqaado (Saudi & Africa Summit)-Abriil 2022

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Boqortooyada Sacuudiga Careebiya ayaa ku dhawaaqday in ay bisha Abrill  ee sanadka danbe ee 2022 ay dalkeeda ku qaban doonto kulanka loogu magac daray – madasha Afrika iyo Sacuudiga. Kulankaan ayaa lagu qaban doono magalaadda Riyad ee dalka Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa  balan qaaday in dalalka Afrika ay ku sameeyn doonto maalgashi  cusub kaas oo lagu xalinayo dhibaatooyinka ka dhashay faafida cudurka Karoonaha.

Sadax Asbuuc ka hor ayaa Dowlada Sacuudiga bilaawday in ay casuumaad u dirto madaxda dowladaha Afrika iyada oo ku casuuntay in ay ka soo qayb-galaan kulankaas.  Madaama laga yaabo in Soomaaliya  yeelato hoagan cusub horaanta sanadka cusub ayaa dowlada Sacuudiga ka gaabsatay inay casuumaad u dirto Farmaajo.

Talabaada ay dowlada Sacuudiga ugu diiday in ay maqti-qaad hordhac u dirto Farmaajo ayaa waxaa ka horyimid Farmaajo, waxa uuna amray safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga in uu codsado, kuna qanciyo  dowlada Sacuudiga inay u soo dirto casuumad uu kaga qayb-galayo shirkaas.

Sida laga dhadhansan karo tilaabada uu qaaday madaxweynah waqtigiisa dhamaaday Farmaajo, waxaan shaki ku jirin in Farmaajo uusan marnaba doonaynin uu doorasho xalaala qabto ama uu xukunka ku wareejiyo si nabad ah. Waxaa muuqato inay qorshaha ugu jirin in uu ka dago kurisiga sanadka danbe ama kuwa ka sii danbeeya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!