Farmaajo oo celiyay dhalashidiisii Maraykanka! Sabab?

Reading Time: < 1 minute

Warsaxafadeed ka soo baxay Xafiiska MW Farmaajo ayaa lagu sheegay in  maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019 uu si rasmi uga tanaasulay una celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.

Sida ay sheegeen quburada aqoonta u leh  sharciga jinsiyadaha farqi wayn ayaa u dhaxeeya celinta baasaboorka iyo ka tanaasulida dhalashada Maraykanka.

Talabadaan uu qaaday Farmaajo ayaa waxa ay u suuragalinaysaa in uu markii ugu horeeysay intii Madaxweynanimada loo doortay uu u safri karo dalka Maraykanka isaga oo aan ka baqaynin in lagu qaado dacwooyin horay loogu soo oogay oo yaala maxakamdo ku yaalo dalka Maraykanka.

Dhanka kale waxa jira warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya  in Xaaskiisa ay u dalabtay degenaanshaha dalka Canada oo ay ka haysato dhalasho iyada oo walaalihii iyo hooyadiiba ay haystaan dhalashada dalka Canada. Wararka qaar ayaa sheegay in Dowlada Canada ogolaatay in la siiyo degaanaansho uu marka danbe ku dalban karo dhalasho Canadian ah.