Farmaajo oo ka horyimid xil ka qaadista Wasiir Xundubeey

Reading Time: < 1 minute

Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in ysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku cuskaday waxa uu ku sheegay qodobo dastuur ah.  Waxa uuna yiri  “ aniga cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn”

“Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Su’aashu waxa ay tahay Maxaa xigi doonaa qoraalka Farmaajo caawa soo saaray!

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!