Farmaajo oo ka codsaday Uhuru in uu kala hadlo Axmad Madoobe!

Reading Time: < 1 minute
Madaxwyne Farmaajo ayaa waxa uu ka codsaday MW Uhuru Kenyatta in uu la hadlo Madaxweyne Axmad Madoobe. Uhuru ayaa u sheegay Farmaajo in uu isku dayayo in uu la hadlo isaga oo isticmaalayo siyaasiyiinta Soomalida kenyaatiga ah. 
Madaxweyne Uhuru ayaa fajac la noqotay in Farmaajo awoodi waayay in uu la xaajoodo siyaasiyiinta Soomalida. Uhuru ayaa u sheegay Adan Bare Ducaale, Xildhibaan Yusuf Xassan iyo General Yusuf  Xaaji in ay kaalmeeyaan Madaxweyne Farmaajo. Waxa uu ku yiri “Farmaajo waa qof miskiin ah, siyaasadda aan wax badan ka aqoonin isla markaana karti xumo ka muuqato ee ka caawiyo, hadii loo baahdana aniga ila soo hadalsiiya Axmad Madoobe si aan uga  codsado in uu wada hadal la furo madaxweyne Farmaajo”
Farmaajo waxa ay talo uga soo aruurtay in uu wadamo kale hogaankooda uu ka codsado in shaqadiisa u qabtaan.  Waxa uu dhaawac u gaystay sharafkii dalka, dadka iyo diinta.