Farmaajo oo ka been sheegay xaalada dalka ku jiro, rabayna inuu muujiyo awood (Faallo)

Reading Time: 6 minutes

Khudbadda socotay 8da daqiiqo ee 54 ilbiriqsi ee Maxamed Cabdullahi Farmajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhammaaday, ka jeediyay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu sharcidarrada ku dhex deggan yahay, waxaa laga dheehan karaa xilkasnimoxumo, dareen la’aan, doqonnimo, marin habaabin, dulleyn, iyo awr ku kacsi dhallinyaro nolol raadis ah, daacad-darro, taagero raadis, xaqiraad, eedeyn, xusuus la’aan ama is moogeysiin ula kac ah.

Khudbadda wax nuxur ah ma xambaarsaneyn aan ka aheyn faafinta been, kala qaybinta shacabka, marin habaabinta iyo dulleynta dhallinyarada Baraha Bulshada, inkiraada wax qabadka Madaxdii ka horreeysay Farmajo, iyo dhaleeceynta iyo ceebeynta RW Roble.

Farmajo ma ahan Mas’uul ay caado u aheyd sida xilkiisa Madaxweyne farayo inuu ummadda Soomaaliyeed la hadlo waqtiyo faro badan ee hadalkiisa loo baahan yahay, waajibkana yahay. 26kii iyo 27tii disember 2021 wuxuu ku dhaqaaqay afgambi xukun boob ah, taaso ah qiyaamo qaran, ilaa maantana kama hadlin falkaas dhibaatooyinka ka dhashay ay ilaa maanta taagan yihiin, lana baarayo.

Maadaama Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) codsaday Ciidammada AMISOM inay xoojiyaan lana wareegaaan aammaanka iyo badbaadada Madaxtooyada si aan loo bililiqeysan, loogana abuurin afgambi kale, waxaan tuhunsanahay in Farmajo lagu qasbay inuu taagero go’ammada GWQ si daahfuran; kaddibna kooxda ku taagertay afduubka iyo dulleynta Shacabka Sooomaaliyeed, damaca xukun boobka ah, ku tumashada dastuurka kmg, ka welwelsan qiima dhiciisa, weli raadineysa inay ka gilgishaan ama ka dabaaqtamaan hadalkii RW Maxamed X Roble ee ahaa “Farmajo waa Madaxweyne hore oo Musharrax ah,” u gogolxaaraya hagardaamooyin hor leh ee ay doonayaan inay maleegaan si loo fashiliyo hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah oo Shacabka Soomaaliyeed gelisa kalsooni, ay kula taliyeen in khudbadda taagerada ah ee lagu qasbay uu macno tiro oo warar aan wax raad ah la laheyn xaqiiqa jirta ku dhex qaso, kaddibna baraha bulshada looga sheekeysto dhowr maalmood.

Farmajo ma aqoonsana dastuurka kmg ee uu ku dhaartay iyo xeerka dowlad wanaagga. Ma jiro qof Soomaali ah ee mowduuca dowladnimada wax yar oo xikmad ah ka haysta ee aan ka markhaati furi karin in Farmajo iyo sharci ilaalin, la dagaalan argagixiso, dhaqan wanaagga dowladnimo, iyo runta ay aad u kala fog yihiin.

Farmajo wuxuu u hadlay sidii asagoo aan lo socon:

1. In Qarammada Midoobay iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Gurmadka soo saareen dhawaan baaqa gargaarka bani’aadamnimo oo dad soomaaliyeed oo gaaraya 7.7 milyan qofood loogu codsanayo lacag dhan 1.5 bilyan doolar Sannadka 2020; halka lacagta iyo dadka baaqa sannadkii 2017 ay ahaayeen 869 million doolar iyo qiyaas 3.9 milyan qofood.

2. In Mashruucii deyn cafinta oo hirgelinta shuruudihiisa soconeyso 3 sano aan weli la bilaabin; In Soomaaliyana dib uga dhacday bixinta lacagihii laga rabay inay bixiso si ay u gaarto barta dhammeystirka deyn cafinta, waayo hadafka barnaamijka deynta waa abuuritaanka dhaqan dowladnimo oo saleysan sharci iyo maamul hufan.

3. In asaaska, heshiiska, iyo bilowga dhammaan howlaha deyn cafinta, tababarka ciidammada, barnaamijka la dagaalanka argagixisada, dhismaha dowladnimada Soomaaliya, hagaajinta habka maamulka maaliyadda iyo mushaar bixinta Ciidammda, hagaajinta xiriirta caalamiga ah si Soomaaliya loo kaalmeeyo ay la lahaayeen dowladihii ka horreyay ee Madaxweyne Sheikh Sharif iyo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud. Farmajo wuxuu abuuray Malishiyaad ka baxsan dastuurka kmg iyo heshiiska dib u dhiska Ciidammada Soomaaliya.

4. In Dowladdaa Farmajo aysan xisaab xir rasmi ah sameyn sannadaha 2017, 2018, 2019, 2020, iyo 2021, unga gudbin barlamaanka federaalka si loo ansixiyo sida dastuurka farayo, kaddibna loogu bandhigo dadweynaha iyo Caalamka. 5tii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxay ku jirtay kaalinta kowaad ee shaxda musuqmaasuqa ee Adduunka. Isla markaa waxay ku jirtay kaalinta koowaad ee liiska dowladaha fashilan (Failed States).

5. Inuu diiday saxiixa Sharciga Hantidhowraha Guud oo Barlamaanka federaalka ansixiyay sida dastuurka qabo. Hantidowraha Guud ayaa u xilsaaran Ilaalinta Hantida Qaranka. Ilaalinta hantida Qaranka waxaa dalka u qaabilsan hay’ado uu ugu horreeyo Hantidhowraha Guud oo shaqadaas maamul ahaan ka leh Madaxweynaha JFS.

6. Inu warbixinta Hantidhowraha sannadka 2020 ee hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Bankiga Adduunka (WB), iyo Bankiga Afrikanka (AfDB) ay dalbadeeen, kuna xiran deyn cafinta ay ku caddahay musuqmaasuqa baahsan ee hal sano dhacay. Laga bilaabo Xafiiska Madaxweynaha iyo Dowlad Goboleedyada lagama helin xisaab xir iyo xisaab celin lacag dhan 125 milyan doolar oo hal sano keli ah (2020). Waxaa ka daran maamulxumada ka taagan Ciidammada Qalabka Sida

7. In heshiiska 17ka Setemberr 2020 ku tilmaamay mid Madaxweyne Saciid Deni soo qortay, sameystay muddo kororsi 2 sano ah, laga diiday, laguna qasbay inuu faraha kala baxo howlaha doorashada. Go’aanka GWQ ee 27 Maajo 2021 waxaa ku qoran in GWQ mas’uul ka yahay arrimaha doorashada, maamulka, iyo nabagelyada guud ee dalka. Dastuurka ayaa caddeynaya in Xukuumadda Xilgaarsiinta mas’uul ka tahay hoggaaminta dalka muddada doorashada. Farmajo ilaa maanta kalama yaqaan farqiga u dhexeeya Madaxweynaha JFS iyo Madaxa Xukuumadda Federaalka oo ku kala faahfaahsaan Cutubka 7aad iyo Cutubka 8aad ee Dastuurka kmg.

8. In ujeedada dowladda Soomaaliyeed oo xaaladeeda sharci iyo nabadgelyo la wada og yahay loogu doortay ama loogu daray guddiyada Qarammada Midoobay inkastoo Golaha Ammmanka gacanta ku hayo galka Soomaaliya (Chapter VII) ay tahay inay raacdo, kuna dhaqanto dastuurka dimoqradiga ah ee ay ku heshiisay. Abyi Axmed waxaa billaada nabadda loo siiyay inuu ku socdo dariiqa nabadda, haseyeeshe uu ka leexday, maantana halis u yahay dacwo dambiyo dagaal. Saddex bilood kasta Golaha Ammaanka ee QM waxaa la sheega in Soomaaliya ka jirto ku xadgudub baahsan ee xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Cidammada Dowladda Federaalka iyo Al Shabab ay mas’uul ka yihiin.

9. In 67% Miisaaniyadda DF ay tahay kaalmada Beesha Caalamka. In 100 % kharajka adeegyada bulshada iyo horumarinta ee ka baxsan Miisaniyadda, kharajka ciidaammada AMISOM, iyo Taagerada Cudurka COV-19 ay bixiyaan dowladaha ay ka mid yihiin Imaraadka Carabka.

10. In dowladda Imaraadka Carabta damiin tahay Xawaaladaha Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo samafalayaasha kale bixiyaan oo lagu qiyaasay 2 bilyan doolar sannadkii si loo badbaadiyo nolosha Shacabka Soomaaliyeed oo tabaaleysan. Hay’adaha Maaliyadda iyo Amniga ee Imaraadka ayaa ballan qaaday inay ilaalinayaan xeerarka caalamiga ee la dagaalanka maalgelinta argagixisada, maafiyada, mukhaadaraadka, iyo lacag dhaqidda, iyo xatooyada xoolaha ee Soomaaliya ka imaan kara.

11. In qiyaas 85% dhoofkaSoomaliya aado Saudi Carabiya, Cummaan, Imaraadka Carabta, iyo Yemen. Halka Soo dejinta Soomaaliya 30% ka timaado Imaraadka Carabta.

12. In Farmajo ku tagi karin baabur Ceel Gaab iskada Balcad iyo Afgoye, isla markaana adduunweynaha la socdo musuqmaasuqa, maamulxumada, boobka doorashada, cadaaladdaradda Soomaaliya ka taagan, iyo in ciidammada Soomaaliya aysan awoodin hal toddobaad inay iska difaacaan Al Shabab haddii AMISOM baxdo, iyo in dhaqdhaqaaqa safarka Soomaaliya yahay diyaarado keli ah.

13. In ujeedada siyaasadda Arrimaha dibedda ku saleysan tahay hirgelinta siyaasadda Gudaha Soomaaliya ee horumarinta dhaqaalaha, nabadgelyada, cadaaladda, arrimaha bulshada, iyo midnimada Ummadda Soomaliyeed. Lama garan karo waxa loola jeedo iyo waxtarka iidhehda “ilaalinta Qabka Soomaaliya.” Qof Soomaali ah weligiis quursi ma qaadan, lamana arag dowlad iyo ajnabi quursada. Waa huuhaa Farmajo iyo kooxdiisa abuureen si ay dad masaakiin ah u marin habaabiyaan. Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud ayaa Kenya Maxkamad Caalami ah geeyay, weligiisna lagama maqal waxaan ilaalinaya qabka Soomaaliya. Qof iin leh ayaa qab dowlad ka hadla. Shacabka Soomaaliyeed waa dal xor ah, gobannimadiisa la aqoonsan yahay.

Farmajo ma xusin, kamana tacsiyadeyn saraakiisha Sar Sare ee Al Shabab ku dileen Cadaado, Galmudug.

Farmajo wuxuu eedeyn maldahan u jeediyay RW Roble oo fasaxay lacagtii dowladd Imaraadka Carabka sida sharcidarrada ah looga qabsaday, wuxuuna abuuray tuhun ah in la rabo in la cuno.

Farmajo wuxuu u halday sida inay is haystaan madax kale ee dowladda federaalka ka tirsan oo uusaan asago dhinac ka aheyn madaxda is haysata.

Faarmajo wuxuu shacabka Soomaaliyeed u sheegay inuu joogo, joogayo, siina wadan doono xukunkiisa oo uusan cidna ka sugeyn doorasho iyo sharciyeyn.

Farmajo wuxuu dhallinyaro uu rabo inuu mustaqbalkooda ku ciyaaro ku beer laxawsanaya inuu si naasnuujin, eex, musuqmaasuq, iyo ku daneysi u dhiibay xil, dallacsiisay ,ama dhaqaale siiyay. Haseyeeshe maarna kama tacsineyn dhallinyarada xalaal quuadata ah oo bajaajka ku shaqeysata oo maalin kasta Ciidammada dowladda macno darrada ku dileen, kuwa wax bara ardada masaakiinta ah, kuwa u halgamaya ilaaalinta nidaamka dimoqradiga ah, kuwa warbaahinta ka shaqeya oo maalin kasta loo hanjabayo; isla markaana ma tixgelin in 7.7 mliyan oo cuntada adduunka looga soo ururinayo ay 75 % yihiin dhallinyaro iyo caruur soo koreysa.

Farmajo ma inkirin afgambigii uu sameeyay mana qiran in dhammaan tallaaboyinkii uu qaaday ay ahaayeen sharcidarro, kana cudur daarayo.

Khudbadda farmajo waxaa ku jira dareengelin ah in dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed carqaladeyn doonaan doorashada, taagerayaashiisa isugu jira Soomaalida kacaanka ah iy Ajnabiga caalamiga ee qarsoon (secret societies) ay ku howl jiraan hagardaamooyin ay ku abuurayaan qalalaase iyo muran siyasaadeed iyo nabadgelyo, isbarbar yaac iyo iska barbar hadal si loo abuuro buuq iyo jaahwareer cid kasta la eedeeyo, dowladnimadana lagu naco, waayo hirgelinta heshiiska cusub ee GWQ wuxuu abuuri doona xiiisado cusub.

Tusaale ahaan, waxyaabaha saxa ah ee imaan kara waxaa ka mid ah in dhammaan doorashada kuraasta Golaha Shacbiga la wafaajiyo heshiiska cusub, taaso macnaheedu yahay in lagu celiyo dhammaan kuraastii horey loo gudbiyay. Waxaa kaloo jira qodobbo ku jira heshiisyadii hore oo khilaafsan heshiiska cusub. Sidaa darted, waa in indhaha lagu hayo qaska ay bilaabi doonaan taagerayaasha Farmajo oo aaminsan in mustaqbalkooda uu ku xiran yahay Farmajo ee uusan ku xirneyn dowladnimada iyo mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dr. Maxamud M. Culusow

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!