Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in ay gaaraan magalaada Baladweyne ciidamo dheeraad ah kuwaas oo uu soo diray Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo.
Farmaajo ayaa dhagaha ka fureystay qayladhaan iyo cataaw kaga yimid siyaasiyiinta reer Hiiraan, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beesha Xawaadle. Wasiirkii ugu jiray Dowlada Beesha Xawaadle, Wasiir Mukhtar, ayaa shir jaraa’id ka sheegay in uusan la socon ciidankii la geeyay Baladweyne.
Waxaa xaqiiqdii nasiib xumo ah in Wasiir ka soo jeeda Beesha Xawaadle oo aan is-hortaagi karin ciidanka loo diray degaankiisa uu hadana ka sii jiro golaha wasiiradda xukuumada Rooble. Waxa ay ahayd in uu iscasilo, waaba hadii ay sharaf jirto.
Su’aasha la isweydiinaya ayaa ah, Farmaajo iyo Fahad waxa ay go’aansadeen in ay xoog ku qabsadaan Balawweyne, yaa awood u leh ee ka hortagi karo? Maxaa u tala ah reer Hiiraan?