Farmaajo oo golihii labaad ee mucaarad ku ah Jubbaland ka aasaasey Xamar

Reading Time: 2 minutes

Farmaajo iyo Kheyre ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya inay mar uun helaan quwad xoog badan oo ay kaga hortagi karaan Axmed madoobe ayaa bil gudeheed Xamar ka aasaasey laba xisbi oo ayagu Maalgalinayaan.

Axmed madoobe waa aasaasaha Jubbaland oo cidna ugama horeynin inuu maamul magac dowlad leh ka dhiso deegaanadaasi, Axmed madoobe oo ay dowladii hore ee xasan sheekh ku lumisey labo sano oo ay la dagaalameysey siyaasad ahaan iyo dagaalo dad badani ku dhinteenba ayaa wax natiijo ah ka gaari waydey ugu danbeyna la heshiisey Axmed madoobe.

Axmed madoobe oo markaas ka tabar yaraa maanta wuxuu yeeshay awood buuxda oo ciidan iyo mid siyaasadeedba.

Jubbaland ciidankeeda, golaheeda wasiirada iyo Xildhibaanadaba waxaa gacan buuxda ku haya Axmed madoobe cabsina kama qabo in xildhibaan , wasiir ama Sarkaal ciidan oo maamulkiisa ka tirsan laga horkeeni karo.

Axmed madoobe wuxuu haystaa ila dhaqaale haddana waxay isku fiicanyihiin Imaaraatka oo laga yaabo inuu taageero maaliyadeed iyo dhisma ciidanba ka helo.

Farmaajo iyo Kheyre wali waxay heli la’yihiin furihii saxda ahaa ee furi lahaa sanduuqa dhinac kasta ka xiran ee Axmed madoobe ayagoo isku dayadii ugu dambeeyey ku guul dareystey sida in Ciilmooge oo ahaa xigtada Axmed madoobe xisbi mucaarad uga yagleeley xamar idaacadahana ka hadashiiyey , Kicinta barasha bulshada , laaluush siinta Amin arts oo aflagaado qayaxan lasoo shir tagey , waxaas oo dhan Axmed madoobe dhag jalaq uma siinin asagoo aaminsan awoodiisa difaac .

Maanta waxaa laga yagleeley Muqdisho xisbi kale oo mucaarad ku ah Axmed madoobe oo uu kasoo dhex muuqdey wasiir ku xigeenkii hore ee maaliyada Jubbaland Cali dakhare oo aan siyaasada soomaaliya horey iyo haddana wax saameyn ah ku laheyn .

Axmed madoobe oo hadda ku sugan Baydhabo ayaa dhaqdhaqaaqyada Villa Somalia sheeda ka eegaya asagoo hoosta kaleh hadaalina habaar la igu kari waaye.

Ciyaartan siyaasadeed ee bilowga ahi waxay jabin doontaa sanduuqa uu furihiisa Axmed madobe kaliya haysto ama waxay bajin doontaa fashilna ku dhameyn doontaa weeraradii is daba jooga ahaa ee Farmaajo iyo kheyre.