Farmaajo oo fartiintii ugu cuslayd  maanta u diray mucaardka & Qorshahiisa 2021 oo xoowli ku socdo

Reading Time: 2 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo in mudo ah ku gudajiray qorshooyin kala duwan oo uu doonayo in uu xukunka ku sii haysto, ayaa maalinba maalinta ka danbeeya waxaa uu ku dhiiranayaa in uu qaado talaabooyin uu ku xaqiijinayo qorshahiisa isaga oo aysan ku jirin wax cabsi ama wal-wal uu ka qabo kooxaha isku sheegayo in ay mucaraad ku yihiin dowladiisa ama tartanka kula jira.

Labadii bilood ee u danbeeysay waxa ka socday deegaanada hoos yimaada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magalaada Baydhabo soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Maanta ayaa ugu danbeeyntii lagu dhawaaqay liiska Xildhibanada Cusub. Liiskaan ayaa waxaa soo xushay Farmaajo iyo kooxa la shaqeeysto iyaga oo niyada ku haya doorashada mustaqbalka ka dhici doonta Soomaaliya.

Ma aha kaliya in liiska la soo xulay, laakiin waxaa sidoo kale si dadban loo magacabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, kaas oo lagu wado in uu dhawaan u codeeyaan xildhibaanada la soo xulay, lana wareego hogaanka Barlamaanka. Farmaajo ayaa soo xushay in uu jagadaas u dhiibto Safiirka Soomaaliya u fadhiya  dalalka Yurub isla markaana ah lataliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo.

Magacaabista Safiir Cali Faqi ayaa waxa ay fartiin culus u dirtay Kooxaha Mucaaradka ku ah dowladiisa, taas oo micmaheedu tahay in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka soo xiray Mucaaradka fursadii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen  deegaanada Koonfur Galbeed.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa isweydiinaya waxa ay sugayaan kuwa sheeganaya in ay mucaraad ku yihiin Farmaajo? Miyaysan ujeedin go’aanada qar-iska tuurkla ah ee uu kula dagaalayo Mucaaradka? Farmaajo ayaa ku faanayo in ay meelmareen dhamaan qorshaha uu ku soo afjarayo dhaq-dhaqaaqa mucaaradka.

Tusaale waxa kaaga filan in dhamaan deeganada ay ku abtirsadaan mucaaradka, Galmudug, Hishabeele, Konfur Galbeed waa uu u magacaawday xildhibaano ama kooxa u adeega danahiisa gaarka ah.

FARMAAJO WUXUU QORSHEYNAYAA IN UU BOOBA DOORASHADA 2021, WAXAANA SHAKI KU JIRIN IN DAMACAAS UU HIRGELI DOONA MAADAAMA AY MUCAARADKA AANAY HAYN DHAQDHAQAAQ AAY KAGA HORTAGAYAA SHARCI DARRADA JOOGTADA NOQOTAY

Si loo qobjabiyo mucaaradka, gaar ahaan madaxdii hore ee soo xukuntay dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, Farmaajo waxa uu si ku talagal ah maanta uga reebay beelahooda liiska Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Tusaaale, Beesha Abgaal oo degto qaybo ka mida Koonfur Galbeed, waa laga reebay liiska, waxaana lagu soo koobay hal xildhibaan, halka beesha Habargedir loo magacaabay hal xildhibaan.

Talaabadan ayaa ah mid qabjabis ah,  tusaalana looga dhigayo mucaaradka in ay ogaadaan heerka uu gaarsiisan yahay hamiga iyo rabitaanka Farmaajo iyo kooxaha u adeega. Su’aasha isweydiinta u baahan waxa ay tahay kuwa sheeganaya Mucaaradnimada oo dagaal iyaga ka dhan ah uu keenay in ay beelahii ay ka soo jeedeen lumiyaan xaqooda iskaba-daa in ay markale dib u hantaan hogaanka dalka!!